Aadan Barre Ducaale oo sheegay in Kenya ka difaacayo Dacwadda Badda.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa sheegay in uu Kenya ka difaacayo dacwadda ka dhanka ah ee kaga soo wajahan Maxkamadda ICJ ee Qaramada Midoobe hoostagta.

Adam Barre Ducaale oo ka hadlayay arrintan ayaa sheegay in marnaba uusan oggolaaneyn in taako ka mid ah biyaha ama dhulka Kenya ay qaadato dowlad deris la ah Kenya sida Soomaaliya, Itoobiya ama Koofurta Suudaan.

Waxa uu isku tilmaamay in uu yahay qofka saddexaad ee ugu sarreeya dalka Kenya, dadka Soomaalida ah faa’idada ay ku qabaan Kenyana aysan ku qabin dalalka deriska ah.

Adam waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka, Xaasaskooda, Xubno xilal kala duwan dalka kasoo qabtay iyo Siyaasiyiin ay hoy u tahay Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay kunool yihiin ganacsato goobo kala duwan ku leh Kenya, abaalka xukuumadda Nairobi u gashay Soomaaliyana aysan jirin cid kale uu sameysay.

Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Adam Barre Ducaale ayaa yiri “ aniga maalinkii waxaan ahay Kenyaan Habeenkiina waxaan ahay Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda kale habeenkii waa is wacnaa, waa wada shaahi karnaa”.

Waxaa uu raalli gelin ka bixiyay hadalkii uu todobaadkii hore sheegay oo uu xusay in dad badan ay si kale u fasireen, isaga oo sheegay in arrintan la xallin doono.

Waxaa kale oo uu tusaale u soo qaatay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Maxamed Cagjar ama madaxwenaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay in maalintii u dhasheen dalalkooda habeenkiina Soomaali yihiin.

Adam ayaa dhowaan amray in Ciidamada difaaca Kenya la geeyo badda Soomaaliya balse Kenya sheeganeyso ee kiis dacweedkeeda horyaalla Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ah ee ICJ.