Akhriso:-Al-shabaab oo Xog Cusub kasoo saartay Qaraxii ka dhacay Muqdisho

Al-shabaab ayaa War Cusub kasoo saartay Qaraxii Ismiidaaminta ahaa 28-kii Bishan ka dhacay Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in badan 100 ruux oo u badnaa shacab.

Qoraal ku qoran luqadaha English-ka iyo Carabiga ayaa Al-shabaab uga hadleen tirada Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay qaraxii Ex-Koontarool Afgooye.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa Qoraalka kasoo baxay waxaa lagu sheegay in isku geyn dadka ku dhintay weerarka ay yihiin 84 qof, isla markaana dadka rayidka ah ee dhintay tiradoodu tahay 23 qof oo kaliya, halka dhaawaca uu gaaray 69 Ruux.

Guddi dowladda Soomaaliya u xilsaartay saartay qaraxii Ex-Koontarool ayaa shaaciyay in qaraxaas ay ku dhinteen in badan 80 Ruux, halka ku dhaawaca uu gaaray 149 qof, isla markaana laga ogaaday Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.

1-Muwaadiinta turkiga (4)

2-qandaraas-layaasha ciidamada Turkiga (4)

3-Ilaalada Turkida (12)

4-Turjume Turkida (1)

5-ciidanka booliska ee Ex-control (21)

6-ciidamada kale ee dowlada (6)

7-Sirdoonka NISA (9)

8-Masuuliyiin dowladeed (4)

9-shacabka 23

10-dhaawacyada 69.