Akhriso:-Xaliimo Yareey oo Codsatay in hal arrin oo muhiim ah loo sameeyo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey ayaa ku baaqday in laga raro Xarunta ay ka dhex degan yihiin Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.

Sababta Xaliimo yareey u Codsatay in laga raro Xarunta Madaxtooyadda ayaa waxaa ay ku sheegtay inay tahaya in dadka ay shaqada kala dhexeeyso aysan u imaaran kari,isla markaana ay dhibaato ku qabaan sidii Xafiiskeeda u gaari lahaayeen ayna ka sukeeyaan dhibaatooyin farabadan.

“Horta Caqabada noogu weyn waxaa waaye xarun aan ku shaqeysano ma heysano, waa caqabada noogu weyn runtii oo maanta na heysato oo dhibaato ku ah sidii annaga iyo Xisbiyadii iyo bulshadii inteeda kale aan isku arki leheyn meel nabad ah oo aan sahlaneyn gaaristeeda ayaan deganahay” ayey tiri Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403