Al-shabaab oo Dagaal Xoogan ku qaaday Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed

Warar dheeraad ah  ayaa ka laga helayaa dagaal  geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo Maanta deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab, waxa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada lambar konton ee Gobolkaas,waxaana la sheegay in uu yimid ka dib markii ay Al-Shabaab soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Dowladda Saraakiil ka tirsan  ayaa waxaa  ay shegeyn in dagaalka xoogiisa uu inta badan Maanta ka dhacay deegaanada kala ah  Buushka iyo deegaano kale, oo hoos taga, waxayna intaasi ku dareyn inay iska difaaceyn.

Illaa hada si rasmi ah looma oga qaasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaraay Al-shabaab iyo Ciidamada Dowlad.Dadka ku dhaqan deeganada lagu dagaalamay ayaa sheegaya inay soo wajahday cabsi xoogan islamarkaana ay ka cabsi qabaan in markale uu halkaasi ka

dhaco dagaal kale.