Al-Shabaab oo Weerar ka geystay Gobolka Waqooyi Bari.

Rag hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa ay weeraro khasaaro geystay oo kala duwan ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka 1aad ayaa waxaa uu ka dhacay wadada u dhaxeeysa deegaanka Yunbis iyo Magalada Gaarisa,waxaana la sheegay in lala beegsaday Gawaari ay lahayeen Hay’adaha UN-ka ee ka howlgalla deegaannada Gobolka Waqooyi Bari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarkaas,waxaana ay sheegeen inay ku gubeen mid ka mid ah Gawaarida UN-ka sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen laba Nin oo mid ka mid ah uu ahaa Darawalka Gaariga.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403