AMISOM oo Kenya ku eedeysay in ay xagal daacisay howlgalka Midowga Afrika.

Taliyayaasha Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay in ay xagal daacinayaan howlgalka.

Saraakiil si hoose ula hadlay Warbaahinta oo ah Taliyayaasha AMISOM ayaa Taliyayaasha Ciidanka difaaca Kenya ku eedeeyay in ay iska dhigayaan walaalo ay Soomaali leedahay haddana  Aysan doonayn in Soomaaliya Nabad Noqoto Oo Al-shabaab Laga Saaro.

Ciidamada Difaaca Kenya ayaa Bishii March isaga baxay Saldhigyo waaweyn oo ay ku lahaayeen Gobolka Gedo.

Taliyayaasha Waddamada Ciidamada ku yaboohay howlgalka AMISOM ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso in si gaar ah mudnaan loo siiyo, taas oo laga dheehan karo tallaabada ay kaga dhaqaaqday Gonolka Gedo.

Degaanka Buusaar waxaa uu ahaa saldhigga ugu weyn ee Ciidanka Kenya ay ku lahaayeen Soomaaliya,waxaana ay banneeyeen Bishii la soo dhaafay iyaga oo aan la socodsiin AMISOM inteeda kale