AMISOM oo ku hanjabtay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka AMISOM Ambassador Francisco Madeira ayaa sheegay in ay qorsheynayaan howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxa uu tilmaamay in Magaalooyinka qaar ay go’doon ugu jiraan Al-Shabaab, sidaas awgeed ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii looga qaadi lahaa.

Madeira ayaa bogaadiyay howlgalada Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka wadaan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan.

Wakiilka AMISOM ayaa intaa ku daray in maanka ay ku hayaan waqtiga kala guurka ee Ciidamada Midowga Afrika dalkaan ugu baxayaan marka la gaaro 2021-ka.

Kaalin muuqda ayuu sheegay in ay ku leeyihiin ka miro dhalinta howlgalkaan dhowr iyo tobanka sano qaatay ee ka socda Soomaaliya.

Howlgalka AMISOM ayaa fadhiyo kala duwan oo ay yeesheen waxa ay ku go’aamiyeen sidii ay u qaadi lahaayeen howlgal waddo furis ah, balse ilaa iyo iminka kuma aysan dhaqaaqin.

Magaalooyin dhowr ah waxaa go’doon geliyay Al-Shabaab, ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee isaga kala goosha Waddooyinka go’doonka ku jira waxa ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.