AMISOM oo laga dalbaday in ay buuxiyaan jagooyinka rayidka ee ka banaan.

Shir Magaalada Addis Ababa uu ku yeeshay Ururka Midowga waxaa uu kaga hadlay guud ahaan howlgalka AMISOM ee dhowr iyo tobanka sano ka socda Soomaaliya .

Waxa ay dib u eegis iyo dhegeysi warbixineed ku sameeyeen Howlgalka AMISOM, iyada oo ay madaxda isweydiiyeen waxqabadka Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku howlgala Magaca AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Madasha waxaa lasoo dhigay in loo baahan yahay buuxinta waxyaabaha ka dhiman iyo shaqooyinka kale ee ay tahay in uu howlgalka qabto.

Warmurtiyeed laga soo saaray shirka oo ka koobnaa 16 qodob waxaa ugu muhiimsanaa qodobka 14-aad kaas oo AMISOM amrayay in la buuxiyo boosaska dhinaca hoggaanka rayidka ee ka banaan howlgalka AMISOM.

Waxaa lagu dhaliilay in AMISOM aysan Shaqaaleysiin dadka Soomaalida ah ee gudaha dalka jooga, isla markaana ay ka door-bidaan dadka ajaanibta ah.

Boosaska ka banaan AMISOM ee qaybta rayidka waxa uu Ururka Midowga Afrika sheegay in loogu talagalay Soomaalida, iyaga oo soo jeedjiyay in aan la baalmarin habraaca ururka.

Midowga Afrika ayaa sheegay in loo baahanyahay in dhamaan qaybaha kala duwan ee AMISOM ay yeeshaan hoggaan rayid ah oo Soomaali ah si loo dhameystiro heshiiska AMISOM ay ku joogto Soomaaliya.

Howlgalka AMISOM waxa uu bilawday Bishii March sanadkii 2007-dii, ciidankii ugu horeeyay ee watay Koofida Cagaaran ee AMISOM waxa ay ka socdeen Dowladda Uganda.

Xiligaas waxaa Muqdisho ku sugnaa Ciidamadii Itoobiya ee dagaalka la galay Midowgii Maxaakiimta ee ka arrimin jiray Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Qorshaha AMISOM ee Ciidamada ka joogo Soomaaliya waxa uu yahay in sanadka 2021-ka ay ka baxaan dalka, iyaga oo Amniga ku wareejinaya Ciidamada Soomaaliya.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403