Aqriso: Xildhibaano kale oo Kismaayo looga dhawaaqay.

Xildhibaano kale ayaa looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose, waxaana ku dhawaaqay Xildhibaanadan Guddiga ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta Maamulka Jubbaland.

Garabka Guddiga Doorashooyinka ee Musharaxiinta ay ku dhawaaqeen ayaa soo bandhigay liiska 66 Xildhibaan & beelaha ay ka soo kala jeedaan, kuwaasi oo ay soo bandhigeen.

Liiskaan ayaa wuxuu ka duwan yahay mid xalay ay soo bandhigeen Xubnaha Guddiga Doorashada Jubbaland oo Madaxweyne Axmed Madoobe horay u magacaabay, kuwaasi oo soo bandhigay 73 Xildhibaan, laba ka kalena sheegay arrimo farsamo awgeed dib u dhac inuu ku yimid.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403