Axmed Madoobe oo Baaq lama filaan ah u diray Madaxda dowladda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islmaan Axmed Madoobe ayaa Maanta khudbad ka jeediyay Xaflada lagu Caleemo saarayay,isagoo ka hadlay arrimo kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay in wadahadal uu la galo dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana la xaliyo Khilaafka u dhexeeya labada dhinac.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa uu tilmaamay in Madaxada dowladda Federaalka looga baahan yahay inay tanaasul sameeyaan,isagoo xusay inay diyaar u yihiin in la wadahadlo oo la wada fariisato,isla markaana la dhameyso waxkast oo jira.

Ugu dambeyntii Axmed Maxamed Islmaan Axmed Madoobe ayaa waxaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi uu kusoo dhaweeynayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland.

Xaflada lagu Caleemo-saarayay Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka qeyb galay Mdaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya,Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka ee dalka,Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya,Wafdi ka socda dowladda Kenya iyo Mas’uuliyiin kale oo farabadan.

Si kastaba dowladda Federaalka Soomaaliya oo kal horey Go’aan ka qaadatay Doorashadii uu kusoo baxay Axmed Madoobe,taasi oo ay dowladda ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403