Beel Caan Ah Oo Ahlusuna Ka Diiday 20 Xildhibaan Ay Soo Bandhigeen.

Dhawaan waxaa jirtay in Ahlusuna loo ogolaaday inay soo xulato labaatan Xildhibaan oo dhankeeda ka imaanaya si loogu biiriyo 69ka kale Ee Gudiga Doorashada loo gudbin doono.

Tirada guud Ee Baarlamaanka Labaad Ee Galmudug ayaa noqonaya 89 Mudane,taas macnaheeda 20 waxaa iska leh Ahlusuna.

Hadaba Maalintii Isniinta ayey soo bandhigeen Ahlusuna Liiska Magacyada ay ku qornaayeen 20-ka Xubnood ay soo xuleen.

Durba waxaa timid diidmo Beelahaqaar ay ku dhaqaaqeen oo ay ku tilmaameen in Sad bursi lagu sameeyey iyo nin jecleysi mid lagu soo xulay.

Beesha Dir Ee degta Xeraale waxay ka hor timid Xubanaha ay soo bandhigeen Ahlusuna ee Baarlamaanka Galmudug ka mid noqonaya.

kadib Kulan ka dhacay Xeraale maanta oo arbaco aheyd ayaana waxgaradka iyo Cuqaashii hadlay ay sheegeen inay Doorashada Galmudug iskaga baxayaan hadii isbadel la sameynin.