Boqolaal askari AMISOM ah oo galabta lagu soo daadiyay magaalada Baydhabo

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa galabta waxaa lagu soo daadiyay wadooyinka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay.

Ciidamadan oo ah kuwa aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray wadada ka timaada deegaanka Deynuunay ee bariga magaalada ilaa garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Sidoo kale ciidamadan oo gaaraya Boqolaal askari ayaa xiray wadooyinka jid cadayaasha waa weyn ee gudaha magaalada ku yaalla, waxayna shacabka u diidayaan inay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha.

Sawirro laga soo qaaday wadooyinka xiran ee magaalada ayaa waxa ay muujinayaan iyada oo shacabka ay lugeynayaan wadooyinka magaalada.

Saraakiisha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay arrintan inoogu sheegeeb sababo amni, mana aysan faah faahin intaas ka badan.

Arrintan ayaa waxaa aad u hadal haya shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo, maadaama ay kedis ku noqotay.

Arrintan ayaanan aheyn mid looga bartay ciidanka AMISOM, balse horey waxaa loo arki jiray iyaga oo wadada maraya ee aanan shaqo ku laheyn wado xiris