Ciidamada Amniga Galmudug oo Howlgal dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay Gaalkacyo

Howlgal qorsheeysan oo ay maanta Ciidamada Amniga ee Dowlad Goboledka Galmudug ka sameyen magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaay ku soo qabteyn Dad ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya,

Maxamuud Cilmi Gulaafe  Taliye kuxigeynka qeybta Booliska gobolka Mudug  ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidmada amniga Gaalkacyo gacanta ku soo dhigeyn labo shaqsi oo ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya,Taliyaha ayaa sidookale sheegay in dhawaan ay maxkamad soo taagi doonan.

Sidookale Cabdi Cabdulle Xabeeb ayaa sheegay in dhankooda ay ku dedaalayaan sidii loola dagaalami lahaa Maandooriyaha oo Amni xumo laga dhaxli karo, waxuuna sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonan cidkasta oo ku howlan falal lidi ku ah amniga