Daahir Geelle “Dowladda xiligaan ma taqaano Wada-hadal iyo Tanaasul waa in laga adkaado ama ay adkaato”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle ayaa fariin adeg u diray  Madaxda dowladda Soomaaliya ee isaga uu ka tirsanaa,kadib markii uu Khudbad ka jeediyay Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Daahir Geelle ayaa waxaa uu sheegay in Madaxda dowladii uu Wasiirka Warfaafinta ka ahaa aysan aqaanin wadahadal,isla markaana aysan dooneyn inay Tanaasul Sameyso.

Sidoo kale Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa uu tilmaamay in hadii dowladda tanaasul sameeyso ay adkaan doonto,hayeeshee hadii ay diido Tanaasul xoogan looga adkaan doono.

“Dowladii aan ka Tirsanaa ma Taqaano Wada-hadal iyo Tanaasul waa in laga adkaado ama ay adkaato ,”ayuu yiri Amb-Daahir Maxamuud Geelle.

Hadalkaan Sheekh Daahir Maxamuud Geelle waxaa uu ka sheegay Khudbad uu Maanta ka jeediyay Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403