Daawo Sawirada: Ra’ïsul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Booqday Dhaawacyada Askartii Ku Soo Dhaawacantay Dagaalkii Awdheegle.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),  Xasan Cali Khayre ayaa isbitaalka ku booqday askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee shalay ku dhaawacmay weerarkii Al-shabaab ku qaaday saldhigga ciidanku ay ku leeyihiin degamada Aw-dheegle ee gobalka Shabeellada Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa maamulka Isbitaalka ka xog wareystay xaaladda caafimaad ee ciidanka.

Askarta isbitaalka ku jira oo qaba dhaawacyo fudud ayaa Ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay booqashada iyo dhiirri gelinta waxa ayna ballan qaadeen in marka ay soo bogsadaan ay si dhaqsa ah dib ugu laabanayaan furimaha dagaalka si ay qayb uga qaataan xoreynta dalka oo dhan.

Xasan Cali Khayre oo ciidanka dhaawcyada qaba u rajeeyay in ay si dhaqsa ah u boqsoodaan ayaa askartii geeriyoootay  Allaha uga rajeeyay in uu janada ugu bishaareeyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan saraakiisha iyo ciidamada qalabka sida ee furumaha dagaalka jooga uga mahadceliyay dadaallada isdaba joogga ah ee ay ugu jiraan soo afjaridda waxa loogu yeero  argagaxisada.

SAWIRRO

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403