DAAWO SAWIRRADA :Kulan ka tirsan tartankak/cagta bisha barakeysan ee Ramadaan oo ka dhacay Garasbaaley:

Waxaa maanta mar kale laciyaaray kulamada wareegga labaad ee tartanka kubadda cagta ee kasocda Macalin Nuur stadium iyadoona halkaasi ey ka dhacday ciyaar aad xiisa badan.

Guruub B oo ey kuwada jiraan naadiyada Iskaashi iyo Olympic ayaa waxaa foodda maanta ey isku dareen labada naadi wareegga labaad ee tartanka waxaana halkaasi kadhacay natiijo dad badani ey filayeen maadaama labada naadiba ey ciyaarayeen kubad difaac ah, Waxaana ciyaarta lagu tilmaamay tii ugu xiisaha badneed dhamaan kulanadii laciyaaray tan iyo markii uu bilaawday tartankaan lagu maamuusaayo bishaan barakeysan ee Ramadaan.
Si kastaba ha ahaatee labadaan ayaan midkood kasoo bixin guruub B waxeyna ku xirantahay soo bixiddooda kulamada saddexaad oo aan la ogeyn natiijada ka imaan doonta.

Maalinimada Arbacada ah ayaa sidoo kale lafilayaa kulan kaloo xiisahiisa wata in uu kadhaco Macalin Nuur stadium kaasoo lagu soo gabagabeyn doono guruub A.

Natiijada kulamadaan kala soco Allmareeg.com

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403