Daawo Sawirro:-Wafdi hordhac u ah Safarka RW Kheyre oo gaaray Xudur

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo Wafdiga la socda ayaa hour dhac u ah Safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu saacadaha soo socoda ku tegayo Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Qabanqaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa haatan ka socota Degmada Degmada Xudur,waxaana bartamaha Magaalada lagu arkayaa,boqolaal dadweyne oo isu diyaarinaya soo dhaweynta Xasan Cal Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markii uu tago Xudur waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doonaa  mashaariicyo hormarineed,isaga oo sidoo kale booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda & kuwa Kooonfur Galbeed.

Ammaanka guud ee Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana Wadooyinka ku yaalla halkaas lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed oo howlgal baaritaano ah ka wada,isla markaana xiray qaar kamid ah Wadooyinka muhiim ah.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403