DAAWO SAWIRRO:-Wararkii ugu dambeeyay Caleemo-saarka Axmed Madoobe

Waxaa haatan Magaalada Kismaayo ka socoto qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedyada Jubbaland oo Goordhow halkaas ka bilaaban doonto.

Munaasabadda Caleemo-saarka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya,Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare ee dalka,Xildhibaano ka tirsan labada Golle Baarlamaanka,Guddoomiyaha Xisbiga Wadaji iyo Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Munaasabadda ayaa waxaa lagu Casuumaray Wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hogaaminayo Aadan Barre Ducaale Hogaamiyaha Aqalabiyada Baarlamaanka Kenya oo Maanta gaaray Kismaayo iyo Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo Marti Sharaf kale,kuwaasi oo ku sugan Kismaayo.

Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Maanta laga jeedin doonaa Khubado xasaasi ah.

Ammaanka Guud ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,waxaana waddooyinka lagu arkayay ciidamo kala duwan oo amniga sugaya.