Dagaal Culus oo ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka aan ka heleyno deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa a sheegayaan in halkaas xalay dagaal Culus uu ku dhexmaray Kooxda la magac baxday Macwiisleyda iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii rag ka tirsan Macwiisleyda ay weerar ku qaadeen Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Deegaanka Ceel-waare oo ku yaalla Gobolka Hiiraan,isla markaana waxaa intaasi kadib xigay dagaal socday mudo ka badan hal saac.

Maxamed Cali oo ah Saraal ka tirsan Kooxda la magac baxday Macwiisleyda ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dhashay Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Sidoo kale Maxamed Cali ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay dagaalka uga dileen 4-dagaalame,halka dhankooda ay ka dhinteen laba dagaalame,isla markaana uu jiro dhaawacyo.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay Maxamed Cali oo ah Saraal ka tirsan Kooxda la magac baxday Macwiisleyda in deegaanka lagu magacaabo Ceel-waare ay kala wareegeen Al-shabaab ayna ku sugan yihiin haatan Macwiisleyda,waa sida uu hadalka u dhigay.