DEG DEG:-Ciidanka amniga oo Muqdisho ku qabtay Nin Bambo Tuuray

Ciidamada Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay dhagar-qabe Bam ku tuuray Waaxda Taleex ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir sida ay sheegtay Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen.

Sidoo kale Ciidammada waxeey ku guleysteen in ay soo qabtaan dhagar-qabe kale oo isla caawa Bam ku tuuray suuqa bakaaraha ee Degmada Howl-wadaag.

Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye guuto Zakia Xuseen Axmed ayaa sheegtay in labadaasi fal wax Khasaaraha ah uusan ka dhalan.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403