DEG-DEG: Qarax goor dhaw ka dhacay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye:

Qarax miino ayaa ka dhacay inta udhaxeysa Deegaanka Tareedisho iyo Weydoow ee Duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid aad culus waxaana lala eegtay Ciidamo katirsan kuwa dowlada Somaliya oo wada’da isticmaalayay xilliga uu qaraxa dhacaayay.

Qaraxa ayaa jugtiisa laga maqlay meelo kala duwan lamana oga qasaaraha ka dhashay qaraxa maadaama uu dhacay daqiiqado yar kahor.

Waxaa sidoo kale la ogeyn qasaarah rasmiga ee uu ugeestay dadka ka ag dhawaa nawaaxiga qaraxa uu ka dhacay maadaama goobta ey tahay meel ey aad u isticmaalaan gawarida BL ka ee ka dhex shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Nawaaxiga goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa la xiray mana jirto wax war oo kasoo baxay maamulka degmada Garasbaaleey oo fariisin ku ley meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu qaraxa ka dhacay.

Wixii war ah ee soo kordha nagala soco Allmareeg.com