Deg Deg- Xog la helay, Wadaadada Ehlu Suna ee Dhuusamareeb oo Shirqool loo maloogay

Warbaahinta allmareeg.online:oo heshay Warar si hoose loogusoo dusiyey oo aan ka helnay Masuuliyiin ka agdhow Villa Soomaaliya waxay noo xaqiijiyeen In Xukuumada Federaalka ay wado Shirqool ka dhan ah Masuuliyiinta Ehlu Sunna ee ku sugan Dhuusamareeb .

Wararkaan aan helnay si Hoose ayaa  waxay  Madaxtooyada Soomaaliya ay Ciidamada Itoobiya u dirtay warqad lagusoo xirayo Shaqsiyaad Gaara oo ka tirsan Ehlu Sunna. Waana codsi xitaa Adis Ababa ogtahay.

Waxaa kaloo xogta aan helnay kamid ah in Doorashada Galmudug dib loo dhigayo mudo laba isbuuc ah si gacanta loogu dhigo Shaqsiyaadka uga saameynta badan ee Ehlu Sunna.

Sargaal ka agdhow Madaxda ugu sareysa Dalka oo Macluumaadkaan la wadaagay Warbaahinta allmareeg.online:wuxuu sheegay in Ciidamada Itoobiya ay la wada wareegayaan Gobolka Galgaduud isla markaasna ay Xabsiga dhigayaan Cidwalba oo kasoo horjeedaa qaabka ay Doorashada Galmudug u wado Xukuumada Dhexe.