Dhageyso:-Maamulka G/Banaadir oo Gurigiisa ku wareejiyay Muwaadin Soomaaliyeed + Sawirro

Duqa Muqdisho ahna Gudomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan(Eng Yariisow) iyo Guddomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir dhanka arrimaha Bulshada iyo wacyi galinta Marwo Basma Caamir Axmed(jakkti) ayaa Maanta ku Wareejiyay Muwaadin Soomaaliyeed oo gurigiisa laga hestay mudo 28 sana ah gurigaan oo ku yaala Degmada Shibis Ee Gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Baarre oo ah Muwaadin Soomaaliyeed ee Gurigiisa laga hestay ayaa isaga oo Ilmeenaya waxaa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in gurigiisa lagu soo wareejiyo oo ka maqnaa muddo 28-sanno ah ,isla markaana waxaa uu u mahadceliyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Maanta ay Gurigiisa ay dib ugu wareejiyeen Cali Maxamed Baarre oo si sharci darro ah looga deganaa.

Cidda Xooga ku heysatay ayuu tilmaamay Guddoomiye Yariisow inuu ahaa lada Xiddigle ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo muddo 28-sanno deganaa Guriga Muwaadinka,isla markaana diiday Awaamiirtii la siiyay.

Isaga oo sii hadlaayay Eng Yariisow ayaa waxaa uu xusay in Askarigii deganaa Guriga Muwaadinka  Soomaaliyeed lagu xiray Xarunta Hay’adda dembi baarista ee CID-da,isla markaana loo gudbin doono Maxkamad.

 

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403