Dhagxaan lagu xiray Waddooyin Muhiim ah oo ku yaalla Dhuusamareeb

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Wadooyinka muhiimka ah ee halkaas ku yaalla Maanta lagu arkay dhagxaan iyo Carro tuur badan.

Ciidamo ka tirsan kuwii dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya geysay Dhuusamareeb ayaa la sheegay in dhagxaan iyo Carro ay ku xireen Waddooyinka waaweyn ee muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada.

Meelaha inta badan lagu arkayo ayaa waxaa ka mid ah goobta uu ka socdo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega Galmudug, madaxtooyada Maamulka iyo wadooyinka muhiim ah oo ay isticmaalaan madaxda dowladda iyo maamulka galmudug.

Sidoo kale Waddooyinka Ciidanka ay xireen ayaa waxaa kamid ah Waddo ay inta badan ku caweeyaan dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Dhuusamareeb.

Sababta loo dhigay Dhagaxaan iyo Caro turka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay si loo adkeeyo amaaanka dhuusamareeb,waxaana loo diidayaa in halkaas ay maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Waa markii ugu horeysay oo dhagaxaan iyo carro tuur lagu sameeyay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galgaduud tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya la wareegtay amnigga Magaaladaasi.

Dhinaca kale Arrintaan ayaa waxaa walaac xoogan ka muujiyay dadka shacabka ah ee halkaas kunool

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403