Duqeyn culus oo ka dhacday Gobolka Bari iyo warar sheegaya in….

Gelinkii dambe ee shalay ayaa duqeyn diyaaradeed oo culus waxaa ay ka dhacady deegaano ka tirsan Gobolka Bari,halkaasi oo ay ku sugan yihiin Daacish.

Deegaanada la duqeyay ayaa waxaa kamid ahaa Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari,iyadoo halkaasi ay Saldhig ku lahaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhowr Gantaal lagu dhuftay Ceel ay biyo ka dhaansanaayeen Dagaalamayaasha Daacish,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa waxaa ay sheegeen inay arkayeen qiiq iyo uuro cirka isku shareertay,isla markaana ay maqlayeen jug xoogan oo ku dhaceysa ceel biyood ay ku yaalla halkaasi.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay tilmaameen in duqeyta lagu dilay xubno ka tirsan Daacish oo Caan ka ahaa deegaano ka tirsan Gobolka Bari.