Farmaajo oo si rasmi ah u saxiixay Sharci muhiim u ah dowladda Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo saxiixay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa kadib Munaasabad lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Qaranka.

Munaasabadda ka dhacday Xarunta Madaxtooyadda Qaranka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro,Xildhibaano ka tirsan laba Golle ee Baarlamaanka,Agaasimeyaasha Madaxtooyadda iyo Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta dowladda.

Sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ayaa horey waxaa u soo ansixyay Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabadda uu ku saxiixayay sharciga dhismaha guddiga ayaa waxaa uu sheegay in Musuqa uu ka daran yahay Cudurka Kansarka ,isla markaana uu la dega dalalka soo koraya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa shaaciyay inuu magacaabo Guddi lagu kalsoonaan karo ee la dagaalanka musuq-maasuqa.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403