Fiqi oo weerar Afka ah ku qaaday Villa Somalia lana saftay Axmed Madoobe

Xildhiban Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo,halkaasi oo ay u tageen iney kor joogto ka noqdaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo madaxweynaha Jubbaland.

Xubnaha Xildhibaanada ayaa magaalada Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland, guddiga doorashada iyo Xildhibaanada cusub ee maalin ka hor la dhaariyay.

Xildhibaanka oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka maamulkaas waxa uu sheegay xildhibaanada labada aqal ee shalay tegay Kismaayo in ay raali ka yihiin hanaanka ay guddiga doorashooyinka u maamulayaan shaqooyinka loo igmaday.

Dowladnimada Soomaaliya ayuu tilmaamay in ay halis ugu jirto Al-Shabaab nidaamka fedraalkana uusan u shaqeyneyn sidii logu talagalay eedaasna waxa uu dusha u saaray dowladda.