Gaari looga shakiyay inuu Qarax sido oo yaalla Waddo ku taalla Muqdisho

War Goordhow soo gaaray Shabakadda Allmareeg Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegayaa in gaari looga shakisan yahay inuu sido waxyaabaha Qarax uu haatan ku yaalla  Waddo muhiim ah oo ku taalla Magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo sheegay in Gaariga oo noociisu yahay SRUF uuna yaallo inta u dhexeeysa Isgoyska shaqaalaha iyo wadada mashquulka badan ee Xaaji Baasto.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga gaar ahaa Booliska ayaa  ku hareereysan gaariga, waxaana gebi ahaan la xiray halkaas oo Ciidanka ay ka celinayan gaadiidka iyo dadka shacabka ah ee wadada Isticmaalaya.

Gaariga oo ay cidna saaryneyn ayaa looga shakisan yahay inay saaran yihiin walxaha qarxa, isla markaana waxaa hada Ciidanka amniga ay ku wadaan baaritaano kala duwa.