Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdisho

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heleyso Shabakadda Allmareeg Xafiiskeeda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed uu ku xanuunsanayo Isbitaal ku yaalla Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre Maxamed oo ka yimid Magaalada Jowhar ayaa waxaa la dhigay Isbitaalka Digfeer Muqdisho,kadib markii ay kor u kacday Sonkorta ama macaanka jirkiisa oo la sheegay in uu Guddoomiyaha uu haatan la xanuunsanayo.

Dad ka Agdhow Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa xaqiijiyay in xanuunka maalmihii ugu dambeeyay uu hayay Gudoomiyaha,isla markaana la dhigay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403