Aqri: Hanaanka doorashada wadarta ee xildhibaanada Soomaaliya ee 2020-ka

Shacabka Soomaaliyed dal iyo dibadba waxaa murug iyo walbahaar ku haya
maqnaanshaha qorshe ku habboon xilliga kala-guurka 2020, islamarkaana fursad usiiya
in ay codkooda siiyaan Xisbiga ay u arkayaan in uu ka jawaabayo baahiyahooda,
waxaana jirta kala duwanaansho aragtiyaha siyaasadda ee ka dhaxeysa dowlad
gobolleedyada iyo dowladda dhexe ee federaalka, iyadoo lawada ogsoon yahay
duruufaha siyaasaddeed, amni, iyo dhaqaaleba, waxaa waajib dastuuri ah in lahelo
shuruucda qeexeysa nimaadka kala-guurka xilliyada inta aysan dhammaan muddo-
xilleedka hoggaanka talada haya.
Haddaba waxaa lagama maarmaan ah in bulsho weynta Soomaaliyed iyo daneeyeyaasha
arrimaha siyaasadda Soomaaliya in ay dul-istaagaan qormadan kooban ee aan ku
tilmaamayno qorshaha ku habboon xilliga kala-guurka 2020-ka, annagoo kawarhayna
caqabadaha geedi-socodka qaran-dhiska dalka iyo wacyiga siyaasadda dalka, waxaan
halkan ku gudanaynaa waajibaadka naga saaran ilaalinta jiritaanka qarannimada dalka,
waxaan soo jeedinaynaa, habka ugu fudud ee ku habboon ee looga gudbi karo HALISTA
kala-guurka 2020-ka ee foodda nagu soo haysa.
Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska D/Gobolleedyada Xiran.
Habka doorashada ee loogu magac-daray (Propotional Represention Closed-List State-
Constituency. (PR CL SC) ama Nidaamka Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska
Dowlad Gobolleedyada xiran,. hannaankan ayaa macnihiisu yahay in waddanka oo dhan
laga dhigo 7 deegaan doorasho oo kala ah, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle,
Galmudug, Puntland, Somaliland iyo Gobolka Banaadir, (7 State – Constituency) taas oo
ka dhigan in deegaan doorashooyinka dalka ay noqonayaan wadar kala xiran, deegaan
walba ee loo qoondeeyo in ka badan hal kursi, ayaa noqonaysa deegaan doorasho ay
xisbiyadu ku tartamayaan.Dadka isu diiwaangaliyay in ay codadkooda dhiibtaan si ay u
doortaan Xisbiga ay doonaan, Nidaamka (PR CL SC) qofka cod bixiyaha ah ma
dooranayo Musharax ee wuxuu dooranayaa Xisbi kaliya, waxaa kaloo Xisbiyada laga
doonayaa in ay soo gudbiyaan xafiiska doorashada Dowlad Gobolleedyada liiska
Musharaxiinta Xildhibaannada Federaalka Xisbiga oo ay ku dhan yihiin saami-qaybsiga
beelaha ku dhaqan deegaan doorashada (Dowlad Gobolleedka) ay ka tartamayaan,
islamarkaana ilaalinaya qoondada 30% ee dumarka ay ku leeyihiin matalaadda
Dowlad Gobolleedyada ayaa samaynaya xafiiska doorashada Federaalka ee dowlad
gobolleedyada, iyagoo kaashanaya Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaran,
GMDQ iyo Xafiiska doorashada Federaalka ee Dowlad gobolleedyada ayaa si wada jir ah
u maamulaya hannaanka doorashada Federaalka ee ka dhacaysa dowlad gobolleedyada,
Xisbiyada doonaya in ay ka qaybgalaan doorashada Federaalka ee lagu qabanayo
dowlad gobolleedyada, ayaa iska diiwaangalinaya xafiiska doorashada Federaalka ee
deegaannada dowlad goboleedyada, islamarkaana buuxinaya shuruudaha
diiwaangalinta Xisbiyada D/Gobolleedyada, guddiga Doorashada D/G iyo GMDQ ayaa
shacabka ku dhaqan deegaannada dowlad gobolleedyada u diyaarinayaa in ay ka
qaybgalaan doorashada federaalka ah ee ka qabsoomeysa deegaannadooda waxaana la
diiwaangalinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan goobaha ay suurtagal ka tahay in ay
ka qabsoonto doorashada federaalka ah ee ka midka ah deegaannada dowlad.

goboleedyada, sida qaadashada kaararka codbixinta, barashada habka codbixinta,
fahamka waraaqaha codbixinta iyo dhowrista anshaxa safka codbixinta.
FG: Qorshaha wacyigalinta & diyaargarowga AMNIGA doorashooyinka Federaalka
ee D/Gobolleedyada waxaa siwadajir ah u samaynaya D/Gobolleedyada iyo GMDQ.
Marka dowlad gobolleed walba oo ay doorashada dhacdo oo dadka codadkooda
dhiibtaan, waxaa la xisaabinayaan guud ahaan tirada codadka dadku dhiibteen ee
ansaxay inta ay noqoto, Xisbi walba codadka uu helay waxaa laga doonayaa in ay
gaaraan codad ka kabadan (threshold) 7% guud ahaan tirada codadka ay dadku
dhiibteen si ay uga mid noqdaan Xisbayada ka qaybgalaysa saami qaybsiga xubnaha
Baarlamaanka Federaalka dowlad- gobolleed walba, tirada deegaan doorashada
wadarta ah ee dalka waxaa ay noqonaysaa 7 dowlad-gobolleed ee dalka oo kala xiran
isla markaana midkiiba lagu tartamayo tirada kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee
halkaas taalla.
no Dowlad Gobolleedka Tirada
Xildhibaannada
Tirada senotrada
1 Jubaland 39 8
2 Galmudug 36 8
3 Hirshabeelle 37 8
4 Koonfur Galbeed 69 8
5 Puntland 40 11
6 Gobolka Banaadir 7 0
7 Gobollada Waqooyi (Somaliland) 47 11
Wadarta guud 275 54
Dowlad gobolleedka Galmudug 36 Kursi (Xildh Federal) iyo 8 Senator (Aqalka sarre)
kooban beelaha dega Galmudug si dheelitiran, waxaa tusaale ahaan ku tartamay
doorashada 7 Xisbi ee buuxiyay shuruudaha ka qayb qaadashada doorashada Galmudug
(bixinta qidmada diiwaangalinta iyo isku-dheellitirnaanta liiska musharaxiinta
Xildhibaanada beelaha Galmudug) tirada dadka dhiibatay codka guud ahaan Galmudug
waxaa ay noqotay 90,000 cod, Xisbiyada guuleystay waxaa ay noqdeen 5 Xisbi, waxaana
Doorashada looga adkaaday 2 xisbi ee aanan helin codad ku filan oo udhigma 7%
codadka guud ee 90,000 codka ah ee reer Galmudug dhiibteen,
Habka loogu baddelo codadka 5-ta Xisbi ay heleen tiro u dhiganta kuraasta
Baarlamaanka ay ku guuleysteen ayaa ah, in dhammaan codadka guud oo ay dadku
dhiibteen ee ansaxay lagu salleeyo qoondada tirada kuraasta ee Xisbi walba uu helayo
ayaa u dhiganta tirada codadka Xisbi walbaa helay, iyadoo lagu jaan-goynayo habka
saamiga qaybsiga loogu magac daray (Sainte Lague) tirinta codka ayaa lagu kala
saarayaa xisbiyada guuleystay codad ka badan 7% iyo xisbiyada heli waayay tirada
codadkooda 7% ee ka haray saami qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Federaalka.

no Xisbiga Codka boqolkiiba Xildhibaanada Senoterada Wadarta
1 AAA 37,800 42% 17 Xildhibaan 4 21
2 BBB 13,230 14.7% 6 Xildhibaan 1 7
3 CCC 11,340 12.6% 5 Xildhibaan 1 6
4 DDD 9,450 10.5% 4 Xildhibaan 1 5
5 EEE 8,550 9.5% 4 Xildhibaan 1 5
6 FFF 4,815 5.3% 0 0 0
7 GGG 4,815 5.3% 0 0 0
Wadarta 90,000 100% 36 Xildhibaan 8 senator 44
Marka aan isticmaalno habka xisaabta qaybinta kuraasta ee Saint Lague waxaa 7-da
Xisbi ee ku tartamay doorashada Galmudug ku soo guuleystay 5-ta Xisbi ee helay in
kabadan 7% codadka guud, waxaana ka haray doorashada 2-da Xisbi ee helay
(4,815+4,815 = 9,630) cod kana yar 7% ayaanan ka qaybgaleyn saami qaybsiga
kuraasta Xubnaha Baarlamaanka, qaabka qaybinta saamiga Xubnaha wuxuu noqonaya
habka (Sainte Lague) ee tirada kisiga tixan ah ayaa loo qaybinayaa codadka (90,000-
9,630) = 80,370 cod ee 5-ta Xisbi guuleystay ayaa loogu qaybinayaa saami u dhiganta
codadka ay ka heleen 36-ka Xubnaha Baarlamaanka Federaalka iyo 8 Xubin ee Aqalka
Sarre ee Galmudug ka imaanaysa, kuraasta ay saami ahaan u kala helayaan Xisbi walbaa
ayaa noqonaysa sida hoos ku qoran, Xisbi walba magacyada ku qoran 2 liis (Liiska
Xildhibaannada iyo Liiska Senoterada) uu la yimid ayaa noqonaya Xildhibaannada
Baarlamaanka Federaalka, tirada kuraasta ay Xisbiyadu ku guuleysteen waxaa laga
bilaabayaa tirada 1-aad ee liiska illaa laga gaaro 36-aad ee tixda Musharaxiinta
Xildhibaannada iyo liiska Senoterada 1,aad ilaa 8,aad oo kala ah liiska xubnaha
Baarlamaanka iyo Aqalka Sarre ee deegaankaas loo cayimay, haddii Xisbi uu helaa 4
kursi oo kaliya waxaa lasiinayaa 4-taas kursi 4-ta qof ee ugu horreysa liiska Xisbigu soo
gudbiyay ka hor inta aysan dhicin tartanka doorashada.
(habka xisasbts ee jaan-goynta saami qaybsiga ku salaysan Sainte Lague ma noqonayo
boqolleyda rasmiga ah ee fadhiya, waxana rajaynaynaa in qoraallo kale aan ku sharaxno)
Gobollada Waqooyi (Somaliland)
Shacabka kunool Gobollada Waqooyi waxaa ay iyana xaq u leeyihiin in ay doortaan
Xubnaha Baarlamaanka Federaalka ku matalaya in doortaan si lamid ah bulshada
Soomaaliyed ee ku dhaqan deegaannada Dowladda Federaalka kataliso, iyadoo lawada
ogsoon yahay xaqiiqda ka jirta Gobollada Waqooyi ayna suurtagal ka ahayn in lagu
qabto doorasho federaal ah oo weliba raali ka yihiin maamulka u dhisan Gobolladaas,
waxaa laga maarmaan ah in la helo xal kumeel gaar ah isla markaana fursad u siinaya
siyaasiyiinta doonaysa in ay u tartamaan xubnaha Baarlamaanka Federaalka ee
Soomaaliland.
Xalka kalaguurka ah ee ugu habboon ayaa ah hab lagu dimoqraadiyadeynayo
hannaanka matalaadda beelaha kasoo jeeda deegaannadaas, iyadoo la tixraacayo habki
doorashada ergada ee 2016-kii loo asteeyay isla markaan ka duwan qaabka doorashada
beelaha ku dhisan ayaa loo badelayaa isku-dhafka dhammaan ergada beelaha iyo
xubnaha u tartamaya xubnaha kuraasta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,

wakiillada shabacka deegaannada Waqooyi (Somaliland) ayaa ah 47 xildhibaan iyo 11
Senoter isu-dheellitiran beelaha kunool gobolladaas, waxaana doortay ergo gaaraysa
2,397 ruux, ergadan kasocota beelaha deggan Somaliland ayaa noqon kara hal deegaan
doorasho.
(tirada Ergada 2,397 waxaa lagu salleeyay doorashadi dadban ee 2016, wadarta
2,397 waxay ka timid 58 wakiilada labada gole lagu dhufta 51 Ergo oo noqonaysa
2,397 ama (58 x 51 = 2,397).
Ergada 2,397 qof ayaa noqonaya shacabka u codeynaya 58 Xubin ee matalaysa beelaha
deegaannadaas, isla markaana lagu salaynayo nidaamka Matalaadda Saami-qaybsiga
Wadarta ah ee ku dhisan Liiska Xiran, iyo Musharaxiinta kasoo jeeda deegaannadaas
ayaa ku tartamaya magac Xisbi waxaana loo tartamayaa si wadar ah, shuruudaha ka
qaybgalka tartan doorashada waxaa ugu muhiimsan isu-dheellitirka beelaha kasoo
jeedaha deegaannada Soomaaliland iyo bixinta qidmadda diiwaangalinta musharaxiinta
xubnaha Baarlamaanka ee Matalaysa Soomaaliland.
Xisbi walbaa waxaa laga doonayaa in uu la yimaado 47 qof ee u taagan doorashada
xubnaha Baarlamaanka Federaalka ah, iyo 11 qof ee utaagan Musharaxnimada
Senatorada, isla markaana ay ku dhan yihiin qoondada dumarka iyo isu-dheellitirka
beelaha, marka ay xisbiyada buuxiyaan shurudaha loo asteeyay waxaa ay ka qayb
galayaan doorashada, waxaana xisbiyada kala dooranaya 2,397 ergo ee hore usoo
dooratay xubnahaas hannaankii kala guurka 2016-ka.
Gobolka Banaadir
Sida ku cad qoondadii sanaddii 2016-ka waxaa Gobolka Banaadir lagu qabtay
doorashada ergooyinka 7 Xubnood kaliya, balse waxaa adag in wakiilada Somaliland iyo
Muqdisho loo sameeyo qorshe doorasho lamid ah habka Doorashada Dowlad
Gobolleedyada kale loo sameeyay, maadaama ay kayar yihiin tirada ergada kala
dooranaysa Xisbiyadooda, waxaa ay qasab ka dhigaysaa in iyaga lagu dhexdarayaa
doorashada matalaadda Soomaaliland.
isku darka ergooyinka dooranaya Xildhabaannada iyo Musharaxiinta Xildhibaannada
ayaa noqonaya wadarta guud sida hoos ku qoran, 357 ergo Banaadiri ah lagu daray
2397 ergo Soomaaliland ah wadarta guud ee ergada ayaa noqonaysa 2754
(357+2397=2754), Xubnaha Musharaxiinta Baarlamaanka Federaalka ayaa kala ah, 47
Musharax Somaliland ah, 7 Musharax Banaadir ah, wadarta guud 54 Musharax,
(47+7=54), ergooyinkan isku daran ayaa si wada jir ah u kala dooranayo Xisbiyada
tartamaya si lamid ah hanaanka doorashada Federaalka ee Dowlad Gobolleedyada ka
dhacaysa.
Gunaanad
Soomaaliya waxaa doorasho qof iyo cod ah ugu dambeysay sanaddii 1968-dii, waana
muddo laga joogo 51 sannadood, waxaa kaloo xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed
ay yihiin dhalinyaro badankooda dhalatay wixi kadanbeeyay sideetameeyadii
islamarkaana aanan weligood fursad ay uga qaybgalaan doorasho dalka ka dhacdo, iyo
nidaam dowli fadhiya oo ay ka helaan qibrad dhaxalgal u noqota.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in lagu baraarugo fahamka iyo barashada
shuruucda aas aaska u ah dhismaha qarannimada oo ay ugu horreyso sharciga
doorashooyinka, si loo helo garaad ku mideysan yagleelidda ha’adaha dastuuriga ah isla
markaana loo maray wado dimoqraaddi ah si bulsho weynta Soomaaliyeed ay u hesho
faham dhammeystiran kuna dhisan ku dhaqanka shuruucda dalkeenna u taalla, waxaan
u soo jiidinaynaa isla markaana ku adkeynaynaa siyaasiyiinta u dhuun-duleesha
arrimaha siyaasadda qaranka ee doonaysa in ay ka mid noqoshadaan maamulada dalka
ka jira illaa heer qaran in ay si taxadar leh u darsaan shuruucda aas-aaska u ah
dhismaha qaran dimoqraaddi ah oo bulshada Soomaaliyeed mahadiso isla markaana u
siman tahay talada dalkeeda.
Sidaas darraadeed waxaan go’aansannay in aan halkan kusoo bandhigno Nidaamka
Matalaadda Wadarta Isu-dheellitiran ee liiska Dowlad Gobolleedyada xiran,
(Propotional Represention Closed-List State-Constituency) nidaamkan oo noqon kara
bilawga hanaanka dimoqraadiyeynta Dowlad Gobolleedyada ee gundhiga u ah
Federaalleynta dalka, si loo helo xal caqabadaha ku gaadaaman ismariwaaga
siyaasaddaha isdiidan ee u dhaxeysa Dowlad Gobolleedyada iyo Dowladda dhexe ee
dalka, isla markaana u noqda heshiis siyaasaddeed kuboon xilliga kala-guurka 2020-ka,
Waddankana u horseeda deganaansho siyaasadeed iyo hannaan ku yimid wadar-ogol
iyo isla-guddoomin geeddi socodka kala-guurka ah.
Mahadsanid
W/Q
C/risaaq Sh Muxudiin
Wasiirki Hore ee Wasaaradda Macdanta & Petroolka Soomaaliya.
Mohedin@mail.com