Horjooge Sare oo ka tirsan Al-shabaab oo isa soo dhiibay

Horjoogahani oo ka tirsan maleeshiyada Alshabaab ayaa isku dhiibay ciidanka Xoogda Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Jubbaland oo ku sugan deegaanka Baar-sanguuni ee oa ktirsan gobolka jubada Hoose.

Waxaa uu ka soo goostay degmada Jamaame ee Jubada hoose,horjoogahan oo lagu magacaabo Sharma’arke Cabdinaasir Axmed,waxaana uu faah faahiyay sababta uu isku dhiibay iyo dhibaatooyinkii uu la kulmay intii ku jiray ALshabaab.

“Magaceygu sedexaad waa Sharma’arke Cabdinaasir Axmed oo alshababa u qaabilsanan qeybta jugta culus,ilaahay ayaa is oo bad baadiyay jid dheer ayaan soo marey,ciidamada Jubbaland iyo kuwa Federaalka ayaa I soo dhaweeyey,markii aan arkay dhibkooda iyo rafaadkooda iyo in dhib un dadka ku hayaan,ayaan ka soo tagay oo ilaahayna I fahamsiyay,si fiican ayaa la ii soo dhaweeyey,marka umadda muslimiinta ah waxaan ka dalbanayaa cafis,maadaama bil ramadaan lagu jiro”. Ayuu sharma’arke.

Cabdi Nuur Mooge oo ah afhayeenka wasaaradda Amniga ee Jubbaland ayaa fariin u diray dhalinyarada la marin habaabiyay ee Alshabaab kujirta,isagoo ku ammaanay sharma’arke go’aazka geesinimada leh ee uu ka qaatay in uu ka soo boxo alshabaab.

Arrin ayaa muujinaysa in dadku ay fahmayaan fikirka qaldan ee Alshabaab,waxaana muddooyinkii ugu dambeeyey sii kordhayay tirade maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha isku soo dhiibaya dowladda Soomaaliya

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403