Jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland oo lasoo saaray.

Guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ayaa soo bandhigay jadwalka Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Waxa ay ku sameeyeen isbadal Jadwalka doorashada, iyadoo la soo hormariyay doorashada Madaxweynaha Jubbaland oo dhici doonta 19-ka bishan.

Qorshaha ayaa ahaa in doorashada Madaxweynaha la qabto 24-ka Bishaan, balse waxa ay sheegeen in xubnaha guddiga ay isku garteen Jadwal badalka.

Hoos ka aqriso Jadwalka Doorashooyinka Jubbaland.

No photo description available.