Jadwalka Doorashada Maamulka Galmudug oo lagu dhawaaqay

Guddiga Farsamada maamul dhisida dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Guud ee hanaanka Doorashada Galmudug.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay in soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay bilaabaneyso 29-ka Bishan November ay ku egtahay 9-ka bisha soo socota ee December.

Sidoo kale Warka kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug ay dhici doonto 13-ka ilaa 16-ka Bisha December.

Ugiu dambeyntii Guddiga Farsamada ayaa shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhaceyso  17-da ilaa iyo 23-ka bisha soo socota ee Bisha December 2019.