Home Wararka Maanta Kuuriyada Koofureed oo Markab dagaal usoo direysa Biyaha Soomaaliya.

Kuuriyada Koofureed oo Markab dagaal usoo direysa Biyaha Soomaaliya.

Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay in Markab Dagaal oo ay la socdaan Ciidamo ay usoo direyso Biyaha Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay Xukuumadda Seoul in ciidankaas ay qayb ka noqonayaan howlgalka la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in Markabkaasi uu qayb ka yahay ciidamada Gacanka Hurmuz ee uu isku dubbaridayo Mareykanka si ay uga hortagaan ololaha Dowladda Iraan.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa todobaadyadii tagay waday qorshe ka dhan ah Danaha Mareykanka, iyagoo bartimaameed ka dhiganayay Maraakiibta Shidaalka ee Gacankaas isticmaala.

Markabka waxaa uu xalay ka soo baxay Magaalada Busan ee koofurta Kuuriya waxaana lagu wadaa in uu biyaha Soomaaliya soo gaaro talaadada maanta ah sida ay sheegtay Dowladda Koofurta Kuuriya.

Markabka oo lagu magacaabo Kang Gam Chan, waxaa uu culeyskiisu dhanyahay 4,400 oo tan, waxaana uu wadaa noocyada kala duwan ee ciidanka Badda Koofurta Kuuriya sida kuwa quusa, kuwa biyaha ka dhex dagaallama, kabtannada iyo qaybaha kale ee Ciidanka Badda Dowladda Kuuriyada Koofureed.

Waxaa uu biyaha SOomaaliya joogayaa muddo lix bilood ah oo ka billaabaneysa Bisha September ee sanadkan.