Maamulka Gobolka Banaadir oo Iclaamiyay Dibadbax xoogan

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa iclaamiyay in maalinta Khamiista ah ee soo socota  Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya uu ka dhici doono Dibadbax aad u weyn.

Banaanbaxa uu ku dhawaaqay maamulka Gobolka ayaa waxaa looga soo horjeedan Al-shabaab, iyagoo shacabka ku muujinaayan midnimadooda iyo wadajirkood.

Sidoo kale Shacabka ayaa ka dhii-dhin doona dhibaatada ay ku hayaan Maleeshiyaadka Al-shabaab, isla markaana loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto Cadowga.

Al-shabaab ayaa laba maalin kahor qarax ku xasuuqay in ka badan 100 ruux oo u badnaa dad rayid ah ayna ku jireen Arday Jaamacadeed, kaasi oo ka dhacay Ex-Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho.