Madaxweynaha KGS Oo Bydhabo Kulan Kula Qaatay Wakiil WFP Ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada goboleedka kgs iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa magaalada baydhabo waxay kulan kula qaateen Wafdi uu horkacayay wakiil WFP ee soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Aqalka Madaxtooyada kumeel Gaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Baydhabo, ayaa  inta uu Socday waxa  looga hadlay Sidii Hay”adda WFP ay u kordhin lahayd Arimaha Gargaarka ee ay ka wado Deeganadda Koonfur Galbeed Somaliya Waxaana Madaxa Hay”adda WFP uu Sheegey inay kordhin Doonan Kaalmada Bini adan nimo ee ay ka wadan Gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa u mahadceliyey Madaxda Hay”adda WFP Waxaana uu ku dhiiro Geliyey inay kordhiyaan Sidii Kaalmada Bini adan nimo ee ay kawadan Koonfur Galbeed ay u joog tayn lahayeen.