Maxaa looga hadlay Kulankii Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka?

Ajendaha Kulanka guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee maanta waxa uu ahaa dejinta ajendayaasha horu tebinta u leh fadhiyada golaha shacabka ee kalfadhigan lixaad ee golaha shacabka,waxaana kulanka shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulanka oo sidoo kale goob joog ahaayeen guddoomiye kuixgeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey iyo guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoomiyaasha guddiga joogtada ah waxaa laga dhageystay warbixino la xiriira gudi walba sharciyada horyaala iyo sida ay u kala horeeyaan.

Xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux ayaa kulanka ka dib la hadlay warbaahinta qaranka waxa uuna u faah faahiyay qodobadii ugu dambeyn kulanka kasoo baxay.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403