Musharax Gen-Tuuryare”Ahlusunna waa soo Halgameen hadii loo fulin waayo Heshiisyadii lala galay Qalalaaso amni ayaa dhici karta & dib u dhac”

Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay ugu guuleeysatay in Ahlusunna lagu qanciyo ka mid ahaanshiyaha Maamulka Gal-mudug taasi oo ay diidanaayeen in mudo ah iyagoo tirsanaayay saami la’aan.

Heshiisyo lala galay oo la xariiray awood-qeeybsiga  Maamul ayaa waxaa soo baxaayay tabashooyin xoogan oo ku aadan in la siiyo waxyaabahii ay kula balameen  dowlada dhexe.

Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in la fuliyo waxyaabahii lagu heshiiyay taasi oo laga rabo Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya

Waxaa uu Musharaxu carabka ku adkeeyay in Maamulka Ahlusunna ay usoo dhabar-adeegeen xoreeynta deegaanada Gal-mudug islamarkaana ay mudan yihiin in loo abaal-gudo oo aan looga bixin qodobadii Heshiiska.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa waxaa uu u taagan yahay qabashada xilka Madaxtinimo ee Maamulka Gal-mudug,waxaana uu ka mid yahay Musharaxiinta ugu cad-cad hanashada xilkaasi.

Asigoo ka jawaabaayay Su’aal la weeydiiyay oo la xariirta Arrimaha Ahlsunna sida uu ka yeelaayo hadii la doorto ayuu Yiri”Ahlusunna waa soo Halgameen,waxaa ay suurageliyeen in Dus-mareeb doorasho lagu qabto,hadii la fulin waayo qodobadii lagula heshiiyay waxaa laga yaabaa in la wajaho  qalqal amni iyo dib u-dhac horleh”

Dad-badan ayaa aaminsan in Gal-mudug ay u  baahan tahay shaqsi la mid ah Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare oo qancin kara dhinacyada Gal-mudug isku-haaya,Sida beelaha sidoo kalana Al-shabaab ka xoreeyn kara dhulka ay galmudug ka joogaan.