Muuse Biixi iyo Wasiiro katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Sacuudiga ku kulmay.

Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sanadkaan xajinaya ayaa Magaalada Mina kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Xubno la socday.

Sawir wadajir ah oo ay wada galeen waxaa ka dhex muuqda Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo garbo taagan yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, Wasiirka Kalluumeysiga XFS Cabdiraxmaan Bidhaan Warsame, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Cabdullaahi Xaamud.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin la kulanka Madaxweyne Muuse biixi, sida uu ku yiri qoraalkaan uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Sharaf ayeey ii ahayd in aan xalay la qaxweeyno Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Madaxweyne Biixi waa nin waayo arag ah, yaqaanana qiimaha aynu isu leenahay, aadna u qaddariya rayiga walaaltinimo.Fadliga maalmahan barakaysan, iyo dhulkaan barakaysan awgiis Allow kulankeena ka yeel mid barakeysan”ayuu yiri Cabdullaahi Xaamud.

Inta badan mas’uuliyiin Xisbiyada Somaliland waxa ay isku dhaliilaan la kulanka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.