New Zealand oo Maxkamad soo taagtay ninkii ka danbeeyay weerarkii magaalada Christchurch.

Ninkii ka danbeeyay weerarkii ka dhacay bishii maarso ee sanadkaan laba masaajid oo ku taala magaalada Christchurch, ee dalka New Zealand ayaa diiday in uu qirto danbiga loo Heesto.

Ninkaan oo hanaanka casriga ah ee muuqaalada soo gudbiya uga soo muuqday  xabsiga ayaa diiday in uu ka jawaabo 51 dacwadood oo la xiriira dilkii loo dadkii ku sugnaa masaajida Christchurch,oo ay suaalo ka weydiiyeen garsoorka maxkamada ee magaalada Auckland.

Qareenka Brenton Tarrant oo ah
muwaadin Australian-ka ayaa sheegay Jimcaha maanta in aamusnaanta Tarranta ay macnaheedu yahay in uusan qiran danbiga loo Heesto.

Intii ay socotay dhageysiga dacwada oo ay suaalaha weydiinayeen afarta garsoore ayaa wax hadal uusan ka soo bixin Tarrant.

Ciidamada amniga New Zealand ayaa ninkaan ku dhigay gacanta kadib weerar 15 bishii maarso lagu dilay 51 qof oo ku sugnaa  Masaajidka Al-Nuur iyo Linwood.

Arintaan ayaa noqotay dhimashadii ugu badneyd ee ka dhalata toogasho ka dhacda dalka New Zealand.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403