Nin $120,000 oo doollar kala baxsaday Xujey Soomaali ah.

Golaha Culimada Islaamka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay in  Nin lahaa wakaalad socdaal ama Xafiisyada dadka usoo dhameeyo Tikidhada iyo dal ku galka (VISA) uu lacag kala baxsaday dadkii u dhiibtay.

Ninkaan ayaa xafiis ku lahaa Xaafadda Islii oo ay u badan tahay Soomaalida kunool Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya.

Afhayeenka Culimada Golaha Islaamka Kenya ayaa sheegay in Ninkaasi oo lagu magacaabo Nuur Xasan Cabdi uu 30 qof oo Xujey ah ka ururiyay lacagtii ay ku xajin lahaayeen markii ay lacagta u gaartay $120,000 oo doollarna la waayay halka uu qabtay ama aaday.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha lacagtooda waayay oo lagu magacaabo Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in Ninkaasi uu gurigiisa ugu yimid una sheegay in uu heysto wakaalad diiwaangashan oo xujeyda u fududeysa soo saaridda Baasaboorrada iyo daabulidda Xajka.

Waxa uu intaa ku daray in markii ay aamineen ay u dhiibteen lacag, si uu ugu sahlo waxyaabaha qofka xajinaya laga doonayo sida baasaboorka, dal ku galka Sacuudiga iyo Sahayda Xaajiga.

Dadka lacagaha lagala baxsaday ayaa u tagay hay’adaha Amaanka gaar ahaanna laanta dambi baarista Kenya, iyaga oo ka qoray warqadda dacwadda, si loogu soo qabto, una helaan lacagaha ka maqan.

Waxaa ay qaarkood sheegeen in Ninkaasi lagu wargeliyay in uu u baxsaday Dalka Koofurta Suudaan oo Soohdin la leh Kenya, isla markaana uu ku dhuumanayo.

Golaha culimada Islaamka ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay falkan waxaana ay ku sifeeyeen mid aragti xun ka bixinaya dadka Islaamka ah oo ka fogeyn karto in ay aaminaan dadka aan Muslimiinta ahayn.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403