Odoyaal dhaqameed ku wajahan Magaalada Kismaayo.

Guddiga dib u heshiinta Galmudug ayaa wado abaabul lagu soo dhaweynayo wufuud u badan Madax dhaqameed oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xubnaha Guddiga oo shalay soo saaray habraaca doorashada oo shan qodob ka kooban waxaa kamid ahaa, in maanta oo ay ku beegan tahay 14-ka August Ergooyinka Beelaha ay bilaabaan tagista Dhuusamareeb.

Waqti ahaan waxaa lagu wargeliyay Odoyaasha dhaqanka in aysan dib ugu dhicin 16-ka Bishaan oo ah Maalin kahor waqtiga gogasha dib u heshiinta ay furmeyso.

Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka Magaalada Dhuusamareeb oo kulan yeeshay waxa ay ku dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta Madax dhaqameedyada la filayo in ay maanta qaarkood tagaan Xarunta Galmudug.

Waxa ay tilmaameen in ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan Ergada kala mataleysa 11-ka Beel ee qaybsaneysa Xildhibaanada iyo Xilalka kale ee Galmudug.