Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud oo kulan yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Magaalada Dhuusameeb waxa uu kula kulmay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Kulanka u dhexeeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Macalin Maxamuud ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan dhammeystirka dhismaha Galmudug loo dhanyahay oo qorshihiisu dowldda ku howlan tahay.

Kulanka labada dhinac ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hoggaanka Ahlusunna kala hadlay sidii dib loogu noqon lahaa 20-ka Xildhibaan ee soo xuleen Ahlusunna, kuwaasi oo ay tabashooyin badan laga keenay, isla markaana qaar kamid ah Beelaha ay qaadaceen.

Macalin Maxamuud ayaa weli Go’aan rasmi ah ka gaarin arrinta ah dib ugu noqoshada Xildhibaanada Cusub ee Ahlusunna, iyadoona dib u dhac uu ku yimid soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.