Ra’isul wasaaraha Dalka Hindia Oo Mar kale ka Hadlay Xaalada Degdega ah ee ay kusoo rogeen Gobolka Kashmiir.

Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya Narendra Mod oo ka hadlaayay munaasabad sanad-guuradii kasoo wareegaytay xiligii dalkaasi xuriyadda qaatay ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladda Go’doonka ee uu kusoo rogay Gobolka Kashmir.

Ra’iisal wasaraha ayaa sheegay in uu go’aankaas qaatay kadib muran ka jiray gobolkaas oo in qarniya taagnaa waxaa uuna xusay in go’aankaas uu xal u noqon doona go’doonka uu galiyay gobolka Kashmir.

Gobolka Kashmir dhanka ay xukunta Hindiya ayaa xaalad Deg Deg ah lagaliyay 4-tii Bishaan August waxaana laga daabulay dad gaariya ilaa afar Malyan oo ruux iyadoo ciidama dheeri ahna lagu daadiyay waxaana looga cabsi qabaa in uu dagaal ka qarxo gobolkaasi.