RW Kheyre iyo Hoggaanka sare ee Ahlusunna oo u socda kulan xasaasi ah

Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa haatan xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb kulan kula leh Maaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaarir Cali Xasan Sh Shaakir iyaga oo ka wada hadlaya xaaladdii ugu dambeysay ee Dhuusamareeb iyo Shaqaaqadii xalay.

Kulanka oo Albaabadu ay u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlayaa sida ilo ku dhow labada dhinac ay xaqiijinayaan Israsaseyntii xalay dhacday magaalada Dhuusamareeb iyo sida laga yeelayo arrimahaan iyo ciddii ka dambeysay.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka oomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo madaxa xukuumadda Galmudug ayaa la filayaa dhinaca kalana in ay ka wadahadlaan xaaladda guud ee dhismaha maamulka Galmudug iyi sida loo dar-dargelin karo howsha socota ee maamul u samaynta.

Wararka intaas ku daraya in Israsaaseynta uu dhaawac kasoo gaaray laba Askari oo ka tirsan Ciidanka ee dowladda geysay Dhuusamareeb iyo haweeney goob ganacsi ku laheyd halkaas.