Salawga ku dhacay hay’addii sir-doonka Qaranka.

Salaan-sharaftii la siiyay sarkaalkii aan darawalka mooday, waa qiso aan farxad galinayn qof walba oo garanaya macnaha & mudnaanta ay leedahay hay’adda sir-doonku. Samir sarkaalka ganjeelka taaganoow samir.

Maalintii saddexaad ee ciida ayaan mar kale si kadis ah meel ugu kulanay xildhibaano heer federaal & siyaasiyiin magac & milge ku leh magaalada Muqdisho & meel walba oo ay Soomaaliyi dagto. Kaftan & kala warqaadasho dheer kadib, mid kamid ah xildhibaanadii aan meesha ku kulanay ayaa u yeedhay wiil aan anigu kolkaa moodayay darawalkii xildhibaanka, kuna yidhi kaalay Axmed (waa aniga) halkii uu daganaa gee.

Daganaan & dulqaad wiil illaahay iskugu daray, ixtiraamna lagu ababiyay, agabkiisi ciidanna wata ayaa goobtii iga soo qaaday. Waxaan soo marnay saddex isbaaro (bar-kontorool) oo ah kuwa Xamar ugu baadhitaanka adag, ayna adagtahay in si sahlan lagu dhaafo. Ma ahayn markii ugu horaysay ee aan raaco gaadhi uu leeyahay qof masuul ah. Balse sidii caadadu ahayd, kaarka aqoonsiga, su,aalo badan & yaa gaadhiga kuu saaran in darawalka la weydiiyo halkii aan ka sugayay, askartii saddexda isbaaro joogtay dhamaantood waxay ka sinnaayeen in darawalkii ay salaan-sharaf u saareen, su’aalo la weydiiyana warkoodaba daa. Kontoroolkii ugu dambeeyay kolkii aan dhaafnay, aniga oo amakaagsan ayaan wiilkii gaadhiga waday ku idhi, adeer darawaliinta madaxda & xildhibaanada askarta isbaarooyinku sidan ulama wada dhaqmaan, ee aqoon gooni ah miyaad askarta isu leedihiin? In kasta oo ay aad ii farxad galinaysay sida sahlan ee wiilku isbaarooyinka iisoo dhaafiyay, haddana jawaabtii uu i siiyay ayaa igu noqotay ma-hadho & malaysan-waa.

Adeer ma ahi darawalka xildhibaanka, waxaan ahaa sarkaal nabad-suggid dhar-cad ah, dhamaan isbaarooyinka aan soo marnay waa aaggii aan sanado badan ka hawl-gali jiray, askarta joogta intooda badana, waa asxaabteydii & raggii qaarkood aan anigu xukumi jiray, qaar kalana wada shaqayn joogto ah ayaa naga dhaxayn jirtay. Balse waxaan kamid noqday ciidankii nabad-suggiida ee booliska loo wareejiyay, waana midda sababtay in maanta aan kamid noqdo ilaalada xildhibaanka. Runtii ma qoomamaynayo oo waan ku faraxsanahay inaan kamid ahay ilaalada xildhibaanka, balse sanad & dhawr bilood ayaa kasoo wareegtay maalintii nabad-suggida la iga soo wareejiyay, ilaa maantana maskaxdaydu weli way aqbali la’dahay inaan ahay askari Boolis ah. Waayo tababarkaygu waxa uu ahaa nabad-suggid, & sir-doon mana aqaano qaabka ciidanka Boolisku uu u shaqeeyo, waa jawaabtii hadhsiga & hoyashada ii diiday ee wiilku uu i siiyay, aamusnaan dheer kadib.

Qisadaa kolkii ay dhagahayga ku dhacday kadib waxaan buraashada u biyaystay sidii aan u heli lahaa xog dhamaystiran & xaalada ay ku suganyihiin ciidankii nabad-suggida ahaa ee Booliska loo wareejiyay. Xog aruurin & xafiisyo tagid kadib, waxaan soo xaqiijiyay in ciidankaas laga dhigay ilaalo xafiis, ilaalo xildhibaan & kuwo isbaarooyinka xaafadaha Xamar taagan. Waxaa kale oo aan dhaayahayga kusoo arkay saraakiil nabad-suggid ahaa oo gaadh-haye ka ah ganjeel wasaaradeed & guri wasiir, kadib kolkii at waayeen meel kale oo ay naftooda ku aaminaan. Waxaa taas kasii daran baaqigii hadhay hay’addii sirdoonka in shaqadoodii loo badalay sheeda-sare ka ilaalinta, siyaasiyiinta & xildhibaanada meelaha ku shiraya. Ugu dambayn salowgaa ku dhacay sirdoonkii Qaranku, waxa uu sababay in shaqadii sir-doonku ay kusoo aruurto sur-gooyo qarsoon & daba-socodka siyaasiyiinta.

Hadal & dhamaan waxaan xaqiiqsadsay in xukuumadda maanta dalka ka talisa uusan qorshaha ugu jirin sir-doon Qaran, damacooda ugu weyna uu yahay ciidan Soomaali & mid shisheeye midkuu doonaba ha ahaadee inay helaan milatari cudud leh oo wata dabbaabad camiran, si siyaasiyiinta & cid walba oo xukunkooda diidan ay u xakameeyaan.

Sumcadaadi way soo noqon, sanad & badh baa hadhay, ee samir sarkaalka ganjeelka taaganoow samir.

Axmed Maxamed Xasan
14/5-2019

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403