Satellitekii uhoreeyay ee itoobiya oo maanta hawada loo diri doono:

Allmareeg.com: Satellitekii uhoreeyay ee itoobiya ayaa maanta lafilayaa in hawada loo door.

Satellitekan oo lagu magacaabo ETRSS-1 ayaa saaka subax waxa laga ganayaa xarun magaalada Beijing ee caasimada shiinaha ujirta 400km.

Xarunta satellitekan laga maamulo ayaa noqonaysa duleedka magaalada Addis Ababa ee Indodo, halkaas ay diyaar kuyihiin khubaro itoobiyaan ah oo lasocon doona dhaq dhaqaaqa iyo xogaha satelliteka laga hrli doono iyo sida looga faaiidaysan karo.

Waxkayar 30 daqiiqo ayuu satellitekani saldhig kadhigan doonaa hawada sare oo dhulka ujirta 700km, waxaana loo adeegsan doonaa hawlaha isgaadhsiinta, tabaca dalaga, ilaalinta deegaanka iyo uruurinta xogaha biyaha dhulka hoostiisa iyo korkiisa kujira.

Mashruuca dhismaha satellitekan oo mudo sanado ah kahor labilaabay ayaa haatan noqonaya midkii uhoreeyay ee itoobiya yeelato.

Maxamuud Muxudiin Beyr