SAWIRRO:Diyaaradii siday Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ka degay Baladweyne

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Goordhow waxaa gaaray Madaxweyneyaashii hore ee dalka ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sh Axmed.

Safarka Baladsweyne ay ku tageen Madaxweyneyaashii hore ee dalka ayaa waxaa ku wehlinayay Madax ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka, waxaana halkaas ksuoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle iyo xubno kale oo halkaas ku sugan.

Sidoo kale Madaxdan oo ka tirsan Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Baladweyne u wada gargaar loogu talagalay dadkii ku barakacay fatahaadii ka dhacday Baladweyne.

Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka ayaa dhawaan ku dhawaaqday in $200,000 kun Dollar ay ugu deeqeen gargaar oo lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee Fatahaaduhu saameeyeen.

Dhinaca kale Diyaaradii ay la socdeen Madaxweyneyaashii hore dalka ayaa inta aysan ka dagin Garoonka Baladweyne ayaa waxaa laga demiyay Raadeerka ku xirnaa Garoonka, iyagoona dib Hawada ugu laabtay, hayeeshee markii dambe ay ka degtay Baladweyne.

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403