DAAWO VIDEO:Sh. Shariif oo wacad ku maray in xoog dalka looga saari doono madaxda hadda talada heysa:

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shir jaraa’id goordhow ku qabtay Muqdisho ayaa ku dhaartay in magaalada xoog looga saarayo madaxda talada heysa, haddii aanay joojin ku tumashada sharciga oo uu sheegay inay soo laa laabatay.

“Magaaladaan waxaa joogi jiray oo awood looga saaray mooryaan, Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab, marka kuwa jooga ma kuwaas ayee ka awood badan yihiin, waa maya, wallahi xoog ayaan uga saareynaa magaalada, haddii aanay joojin sharciga ay ku tumanayaan” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo caro badan ay ka muuqatay.

Dhawaan ayeey eheed markii laxanibay diyaarad usoctay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland, waana markii labaad oo la hakiyo diyaarad ey saaran yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka.

Hadalka madaxweynahii hore dalka ayaa lafilayaa inuu saameyn hor leh oo yeesho unadhexeeso dowladda iyo xisbiyada madasha qaran oo ey ku mideysanyihiin hogaamiyaal mug ku leh siyaasadda dalka.

Maxamud Muxudiin Beyr

Contact: Xafiiska Shabakada Allmareeg.online London, UK

Email : Allmareeg@gmail.com / Tel ÷447984240403