Shacabka ku dhaqan degmada Garasbaaleey oo loogu baaqay iney isdajiyaan loona sheega xalka cudurka Covid19:

Allmareeg.com: Masuuliyiinta Garasbaaley ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Garasbaaley ka codsaday inay is-dejiyaan, iskana daayaan walwalka, bacdamaa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay sheegtay in gudaha magaalada Muqdisho laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Corona Virus, kaas oo lagu arkay qof ka yimid dalka dibaddiisa oo maalmihii u dambeeyay lagu karantiilayay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Masuuliyiinta ayaa shacabka Degmada Garasbaaley ka dalbaday inay iska yareeyaan tagista goobaha la isugu yimaado, islamarkaana ku dadaalaan keliya Quraan akhriska iyo nadaafadda.

Maamulka degmada Garasbaaleey ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee qaboojiya quluubta kumanaan shacab ah oo ku nool caasimadda qaasatan degamada Garasbaaley kuwaas oo si weyn ugu murugooday Kadib markii dowladda Soomaaliya ey shaacisay in laga helay cudurka Covid 19 oo ah muwaadinkii ugu horeeyay ee ku nool caasimadda.

Si kasta ha ahaatee hadal heynta ugu weyn caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa eheed saacadihii ugu dambeeyay saameynta uu ku yeelan karo kiiska ninkaan soomaaliga ah guud ahaan shacabka ku dhaqan dalka.

Maxamuud Muxudiin Beyr